Filim
-
- Kani waa maqaal ku saabsan filim-ka, qoraalo kale fadlan fiiri shaneemo
Filim (ingiriis: film ama movie) waa muuqaal-socde (motion pictures) la duubay ayadoo la isticmaalayo Kamera ama sawir-qabte. Filim waa sheeko habaysan oo loogu talo-galay daawasho lagana jiley taariikh ama dhacdo run ama khiyaali ah oo ku saabsan qof, dad, wadan IWM taas oo lagu soo koobay saacado dhowr ah gudahood looguna talo galay madadaalo ama wax-barsho.
Filimka qisadiisa oo ugu yaraan socota dhowr daqiiqo ( short films filimaanta gaaban) ilaa dhowr saacadood (Normal films ama filimaanta caadiga ah) ayaa u dhiganta sheeko sanado badan ama qarniyo ah.
Qoraalka gudaha oo kooban
Taariikhda Filimaanta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Samaynta Filimka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Dunidan aan maanta ku nool nahay waxa jiro shirkado ama shaqsiyaad badan oo filimaanta sameeya haba kala qiimo iyo qaayo sareeyaanee. Kuwa ugu caansan eed taqaano waxaa ka mid ah dallada weeyn ee Hollywood oo Maraykanka laga leeyahay, dallada weeyn ee Bollywood ee Hindiya, iyo Nollywood oo ah shirkada ugu filim soo saarista badan dunida oo laga leeyahay wadanka Naayjeriya.
Sida runta ah, shirkadaha Mareeykanka ee la isku yidhaahdo Hollywood waxay soo saaraan qaar ka mid ah filimaanta ugu qaalisan dunida sidoo kale ugu tayada sareeya.
Filimaanta ugu Qaalisan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Filimaanta qaar sameeyntooda waxa ku baxa lacag aad u badan - qaarkood $200 miylan ayaa lagu sameeyaa. Aad ayay u kala duwantahay kharashka lagu sameeyo filim iyo kan uu soo saaro. Inkastoo filimaantu leeyihiin qeeybo iyo jufooyin loo kala saaro, waxa dhamaantood wadaagaan in wakhtiga ugu badan ee filimku ku xidhnaado hal qof (leading actor). Qofkaasi waa kan oogu mishaharka badan dhamaan jillayaasha filimka, waana qofka oogu shaqada badan wakhtiga la sameeynayo filimka.
Dhinaca kale waxa mishahar badan qaata jiheeyaha (director) oo ah ninka hoowsha dhan kala wada ee qof kasta u sheegaya kaalinta uu kaga jiro filimka.
Filimaanta ugu Kharashka Badan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Markaan ka hadleeyno kharashka lagu sameeyay, waxaa jira tiro badan oo filimaan ah oo kharash aad u badan ku baxo. Halkan waxaad ku arki qaar ka mid ah tobanka filim ee ugu qaalisan dunida waxa ka mid ah: The Pirates of the Caribbean - At World’s End (2006) iyo qeebtiisa kale ee Dead Man's Chest (2007) ayaa si wada jir ah loogu sameeyay lacag dhan $525 milyan taas oo ka dhigeeysa filimaanta kharshka ugu qaalisan lagu sameeyay, labadaas filim waxay soo saareen lacag ku dhow $2 bilyan.
King Kong (2005) ayaa ku jira tobanka ugu kharashka badan asaga ooy ku baxday $207 milyan, isla markaana soo saaray lacag dhan $550 milyan.
Filimaanta ugu Macaashka badan[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Dhinaca kale, markaan fiirino filimaanta soo saaray lacagta ugu badan ee aadka looga macaashay waxaa ka mid ah:
Avatar (2009) ayaa wuxu yahay filimka kali ah ee ugu qaalisan dunida asago lagu sameeyay $237 milyan isla markaana soo saaray $2.7 bilyan oo dollarka Maraynkanka. Waa macaash toban-laab ah.
Sidoo kale, filimka Titanic (1997) ayaa lagu tilmaama inuu ku jiro kaalinta 2aad ee filimaanta ugu macaashka badan dunida. Waxa lagu sameeyay $200 milyan waxaana lagu iibiyey lacag dhan $2.2 bilyan taas oo ka badan toban-jeer-laab macaash ah.
Qeeybaha Filimaanta[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Inkastoo filimaantu leeyihiin qeeybo iyo jufooyin loo kala saaro,
Filim Soomaali[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
Marka laga hadlayo madadaalada, Bulsho-weeynta Soomaaliya waxay caan ku tahay oo aad loo yaqaan [Ruwaayad]]aha kuwaas oo u dhigma filimaanta dunida inkastoo aanay duubneeyn.
Inkastoo sanadahan dambe la sameeyay filim Soomaali badan, waxa jira in badan oo la sameeyay wakhtiyo hore - qaarkood xoriyada dalka ka hor - waxaa ka mid ah:
- A Somali Dervish (1983)
- Ali Iyo Awrala (2006)
- Ambad (2011)
- Carara (2009)
- Charcoal Traffic (2008)
- Rajo (2003)
- Warmooge (2006)
- Xaaskayga Araweelo (2006)
- Shalaay (2005)
- Ciyaar Mood (1986)
- Dan Iyo Xarrago (1973)
- Dhig ama Dhaqo (2011)
- Dub'aad (1920s–1950s)
- Fire Eyes (1994)
- Geedka nolosha (1987)
- La Conchiglia (1992)
- Love Does Not Know Obstacles (1961)
- Miyo Iyo Magaalo (1968)
- Pastoral and Urban Life (1969)
- Soldiers of Bronze (1920s–1950s)
- Somalia (1912)
- Somalia Dervishes (1985)
- Somalia: Gheledi (1913)
- Somalia italiana (1913)
- Somalia: Le bellezze del fiume Nebi (1913)
- Sotto la Croce del Sud - Somalia Italiana
(1926)
- The Horn of Africa (1961)
- The Parching Winds of Somalia (1984)
- The Somali Darwish (1984)
- Viaggio di S.M. il Re in Somalia (novembre-
dicembre 1934) (1934) Visioni della Somalia italiana (1929)
Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
- Abu Bakr, Yahya; Saad Labib, Hamdy Kandil (1985). Development of communication in the Arab states: needs and priorities. Unesco. ISBN 92-3-102082-X. http://books.google.ca/books?id=pERiAAAAMAAJ.
- Armes, Roy (2008). Dictionary of African filmmakers. Indiana University Press. ISBN 92-3-102082-X. http://books.google.ca/books?id=88sTRTl6yKwC.
- Association des trois mondes (2000). Cinémas d'Afrique. KARTHALA Editions. ISBN 2-84586-060-9. http://books.google.ca/books?id=61Ol3PLhYhsC.
- Farīd, Samīr (1979). Arab cinema guide. s.n.. http://books.google.ca/books?id=14UNAAAAIAAJ.
- IMDB - Somalia
- Kaplan, Irving (1977). Area handbook for Somalia. U.S. Govt. Print. Off.. http://books.google.ca/books?id=Ok1yAAAAMAAJ.
- Legum, Colin; John Gordon Stewart Drysdale (1976). Africa contemporary record, Volume 8. Africana Pub. Co.. ISBN 0-86036-030-X. http://books.google.ca/books?id=jDYEAQAAIAAJ.
- Ministry of Information and National Guidance (1974). Somalia: five years of revolutionary progress. Ministry of Information and National Guidance. http://books.google.ca/books?id=zWsMAQAAIAAJ.
- National Endowment for the Humanities. Media log: a guide to film, television, and radio programs supported by the National Endowment for the Humanities. The Endowment. http://books.google.ca/books?id=SWliAAAAMAAJ.
- R R Bowker Publishing (1995). Bowker's complete video directory (Volume 2). R.R. Bowker. ISBN 0-8352-3588-2. http://books.google.ca/books?id=FLJYAAAAMAAJ.
- "Somaliwood: Columbus Has Become A Haven for Somali Filmmaking". The Other Paper. 2007-04-19. Retrieved 2008-01-25.
- Xodo, Chiara (August 2008). "Catalogo Audiovisivi (con schede didattiche)" (PDF). Centro Interculturale Millevoci, Provincia Autonoma di Trento Dipartimento Istruzione. Retrieved 2009-09-25.
Sidoo kale fiiri[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]
- Sinemaha Soomaaliya
- Hay'ada Filimaanta Soomaaliyeed
- Somaliwood
| Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |